درس الأسبوع العاشر: ظرف المكان

| ظرف المكان | Falkaab meel |
| Kor | |
| السماء فوقنا. | Cirka kor ayuu naga jiraa. |
| Hoos | |
| الأرض تحتنا. | Dhulka hoos ayuu naga jiraa. |
| Midig | |
| سر يميناً. | Midig u soco. |
| Bidix | |
| الأسد اتجه شِمالاً. | Libaaxa bidix ayuu aaday . |
| Hor/ hore / horay | |
| أنا واقف أمام المسجد. | Aniga masjidka hortiisa baan joogaa. |
| Gadaal/ dib | |
| قف وراء. | Gadaal istaag. |
| Dhinac / dhan/ xag | |
| قف جنبي. | Dhinacayga istaag. |
| Dhex / bartan | |
| دخلت في الوسط. | Dhexda baan ka galay. |
| Halkan /meeshan | |
| اجلس هنا. | Fariiso halkan. |
| Halkaas/ meeshaas | |
| انتظرني هناك. | Halkaas igu sug. |
| Meel kasta | |
| بحثت عن الحقيبة في كل مكان. | Boorsada meel kasta ayaan ka raadiyay. |
| Dugsi | مدرسة | Kor | فوق |
| Deked | ميناء | Midig | يمين |
| Jid | طريق | Bidix | شِمال |
| Bangi | بنك | Dhex | وسط |
| Busteejo | محطة | Fog | بعيد |
| Garoon | مطار | Dhow | قريب |
| Isbitaal | مستشفًى | Woqooyi | شَمال |
| Matxaf | متحف | Koonfur | جنوب |
| Masjid | مسجد | Galbeed | غرب |
| Xafiis | مكتب | Bari | شرق |
| Jaamacad | جامعة | Toos | مباشر |
| Hor | أمام | Jiiro | منعطف |
| Gadaal | وراء | Halkan | هنا |
| Hoos | تحت | Halkaas | هناك |
| Jiiro | منعطف | Dhinac | جنب |
| Waxaan deganahay meel u dhow jaamacadda lafoole, gurigayga wuxuu u dhexeeyaa masjidka iyo dugsiga, haddii hor aad u socoto waxaad ku arkaysaa isbitaal jiirada weyn ,aniga maalin kasta halkan ayaan buug ku akhristaa geedkan hoostiisa. |
| أسكن في مكان قريب من جامعة لفولي، منزلي بين المدرسة والمسجد، إذا سرت إلى الأمام رأيت مستشفى في المنعطف الكبير، أنا أطالع كل يوم كتابا تحت هذه الشجرة. |
| Aadan: aaway boosteejada? | آدم: أين المحطة؟ |
| Xaawo: jidkan ku soco kaddib midig qaad. | حواء: امشِ في هذا الطريق ثم اتجه يميناً. |
| Aadan: waxaan rabaa meel u dhow boosteejada ? | آدم:أريد مكانا قريبا من المحطة؟ |
| Xaawo: waxaa u dhow dugsiga | حواء:المدرسة قريبة منها. |
| Aadan: jihadee? | آدم: من أي جهة؟ |
| Xaawo: waxay ka jirtaa midig. | حواء: من جهة اليمين. |
| Aadan: jidka garoonka ma i tusin kartaa? | آدم: هل تستطيعين أن تدلّيني على طريق المطار؟ |
| Xaawo: haa, jidkaas ku soco kaddib bidix qaad. | حواء:نعم، امش في ذلك الطريق، ثم اتجه شِمالاً. |
| Aadan: halkan bangi ma laga helaa? | آدم: هل هنا بنك؟ |
| Xaawo: bangiga waa fog yahay, tagsi waa inaad qaadataa. | حواء: البنك بعيد، يجب أن تأخذ سيّارة أجرة. |
| Aadan: waa hagaag, mahadsanid. | آدم: حسناً، شكراً. |
| Xaawo: adaa mudan. | حواء: عفواً. |
Su’aalaha:
1- Ka soo saar weerahan xiga falkaab meeleed
Cirka kor ayuu naga jiraa.
Dhulka hoos ayuu naga jiraa.
Midig u soco.
Libaaxa bidix ayuu aaday .
Aniga masjidka hortiisa baan joogaa.
Gadaal istaag.
Dhinacayga istaag.
Dhexda baan ka galay.
Fariiso halkan.
2- Dhmmeystir wax aka maqan hadalka soo socda
Waxaan deganahay meel … dhow jaamacadda lafoole, gurigayga wuxuu u dhexeeyaa masjidka …. dugsiga, haddii hor …. u socoto waxaad ku arkaysaa isbitaal jiirada weyn ,aniga maalin kasta halkan ayaan buug …. akhristaa geedkan hoostiisa.
مراجع:
- Naxwaha Af soomaaliga, Shire Jaamac Axmed, 1976. Muqdisho Soomaaliya.
- A Grammar of the Somal Language, J. W. C. KIRK 1905, Cambridge University.
- الكاشف قاموس عربي صومالي. مؤمن عالم 2009 القاهرة