| Subax wanaagsan. |
صباح الخير. |
| Galab wanaagsan. |
مساء الخير. |
| Habeen wanaagsan. |
مساء الخير. |
| Ma fiican tahay? |
هل أنت بخير؟ |
| Haa, waan fiicanahay. |
نعم، أنا بخير. |
| Ma roon tahay? |
هل أنت جيد؟ |
| Haa, waan roonahay. |
نعم، أنا جيد. |
| Nabad ma ku bariday? |
هل أصبحت بخير؟ |
| Haa, nabad baan ku bariyay. |
نعم، أصبحت بخير. |
| Ma ladan tahay? |
هل أنت فى رغد؟ |
| Haa, waan ladanahay. |
نعم، أنا فى رغد. |
| Sidee tahay/ See tahay? |
كيف حالك؟ |
| Waan fiicanahay. |
أنا بخير. |
| Familkaaga sidey yihiin? |
كيف أسرتك؟ |
| Familkayga way fiican yihiin. |
أسرتي بخير. |
| Aabbahaaga siduu yahay? |
كيف حال والدك؟ |
| Aabbahayga wuu fiican yahay. |
والدي بخير. |
| Hooyadaada sidey tahay? |
كيف حال والدتك؟ |
| Hooyadayda way fiican tahay. |
والدتي بخير. |
| Ninkaaga siduu yahay? |
كيف حال زوجك؟ |
| Ninkayga wuu fiican yahay. |
زوجي بخير. |
| Xaaskaaga sidey tahay? |
كيف حال زوجتك؟ |
| Xaaskayga way fiican tahay. |
زوجتي بخير. |
| Carruurtaada sidey yihiin? |
كيف حال أطفالك؟ |
| Carruurtayda way fiican yihiin. |
أطفالي بخير. |
| Ma caafimaad qabtaa? |
هل أنت بصحة؟ |
| Haa, waan caafimaad qabaa. |
نعم، أنا بصحة. |
| Familkaaga ma caafimaad qabaan? |
هل أسرتك بصحة؟ |
| Haa, familkayga way caafimaad qabaan. |
نعم، أسرتي بصحة. |
| Aabbahaaga ma caafimaad qabaa? |
هل والدك بصحة؟ |
| Haa, aabbahayga wuu caafimaad qabaa. |
نعم، والدي بصحة. |
| Hooyadaada ma caafimaad qabtaa? |
هل والدتك بصحة؟ |
| Haa, hooyadayda way caafimaad qabtaa. |
نعم، والدتي بصحة |
| Ninkaaga ma caafimad qabaa? |
هل زوجك بصحة؟ |
| Haa, ninkayga wuu caafimaad qabaa. |
نعم، زوجي بصحة. |
| Xaaskaaga ma caafimaad qabtaa? |
هل زوجتك بصحة؟ |
| Haa, xaaskayga way caafimaad qabtaa. |
نعم، زوجتي بصحة. |
| Carruurtaada ma caafimaad qabaan? |
هل أطفالك بصحة؟ |
| Haa, carruurtayda way caafimaad qabaan. |
نعم، أطفالي بصحة. |