DALXIISKA السياحة

| Baasaboor | Safar | Safaarad |
| جواز سفر | سفر | سفارة |
| Dalkugal | Tagsi | Alaab |
| تأشيرة | سيارة أجرة | أمتعة |
| Iqaamo | Farankaboolo | Dhalasho |
| إقامة | طابع | جنسية |
| Tikid | Bokin | Garoon |
| تذكرة | حجز | مطار |
| Kicid | Degid | Imaansho |
| إقلاع | هبوط | وصول |
| Gaarigacan | Dalxiis | Kaarto |
| عربة | سائح | خريطة |
| Hoteel | Musaafurin | Xammaali |
| فندق | ترحيل | شيّال |
| Waxaan u socdaa dalxiis, waxaan ku dhoofi doonaa diyaarad, kaddib waxaan raacaa bas, waxaan ku degi doonaa hoteel ku yaalla magaalada Marka, magaalada Marka waxay leedahay xeeb aad u qurux badan, waxaan jeclahay inaan ku dabaasho badda magaalada Marka . |
| أنا ذاهب للسياحة، وسأسافر على الطائرة، ثم أستقل الباص، سوف أسكن في فندق يقع في مدينة مركا ، ومدينة مركا لها شاطئ جميل جدا، وأحب أن أسبح في بحر مدينة مركا. |
| Samatar: waxaan rabaa inaan booqdo meelaha dalxiiska. | سمتر: أريد أن أزور الأماكن السياحية. |
| Muna: meelaha dalxiiska way badan yihiin, halkeed ula jeedaa? | منى: الأماكن السياحية كثيرة فأين تقصد؟ |
| Samatar: waxaan ula jeedaa Afgooye. | سمتر: أقصد أفجوي. |
| Muna: Afgooye waa meesha ugu muhimsan Soomaaliya. | منى: أفجوي هي أهم منطقة في الصومال. |
| Samatar: cayaarta istunka weli ma ka jirtaa Afgooye? | سمتر: هل لعبة المقارعة ما زالت موجودة في أفجوي؟ |
| Muna: sidii hore ma aha. | منى: ليست كما كانت من قبل. |
| Samatar: waxaan booqan rabaa beeraha mooska. | سمتر :أريد زيارة مزارع الموز. |
| Muna: waa inaad booqataa webiga Shebeelle, waa astaanta magaalada Afgooye . | منى: عليك أن تزور نهر شبيلي، فهو رمز مدينة أفجوي. |
| Samatar: sideen ku aadi karaa Afgooye? | سمتر: كيف أستطيع الذهاب إلى أفجوي؟ |
| Muna: bas ayaad fuuli kartaa. | منى: يمكنُ أن تركب حافلة. |
| Samatar: aad baad u mahadsan tahay. | سمتر: شكراً جزيلاً. |
| Muna: adaa mudan. | منى: عفواً. |
Su’aalaha:
- Dhammeystir waxa ka maqan hadalka soo socda:
Waxaan u socdaa …., waxaan ku dhoofi doonaa diyaarad, kaddib …. raacaa bas, waxaan ku degi doonaa hoteel ku yaalla ….. Marka, magaalada Marka waxay leedahay xeeb aad u …. badan, waxaan jeclahay inaan ku dabaasho ….. magaalada Marka.
- Tarjun sheekeysiga soo socda:
| Samatar: waxaan rabaa inaan booqdo meelaha dalxiiska. |
| Muna: meelaha dalxiiska way badan yihiin, halkeed ula jeedaa? |
| Samatar: waxaan ula jeedaa Afgooye. |
| Muna: Afgooye waa meesha ugu muhimsan Soomaaliya. |
| Samatar: cayaarta istunka weli ma ka jirtaa Afgooye? |
| Muna: sidii hore ma aha.
مراجع: 1-Naxwaha Af soomaaliga, Shire Jaamac Axmed, 1976. Muqdisho Soomaaliya. 2-A Grammar of the Somal Language, J. W. C. KIRK 1905, Cambridge University. 3-الكاشف قاموس عربي صومالي. مؤمن عالم 2009 القاهرة |