ظرف الزمان Falkaab ammin

| Hadda/ haatan/ amminka/haddeer | |
| أريد الشاي الآن. | Hadda baan rabaa shaaha. |
| Haddaayey | |
| ماذا قال آنفاً؟ | Muxuu yiri hadaayey? |
| Haddana / kol kale/ mar kale | |
| اكتب مرة أخرى. | Haddana qor . |
| Hadhow / hadhowto | |
| أعد لي الكتاب في وقت قريب. | Hadhow ii soo celi buugga. |
| Maanta | |
| المدرّسة زارتنا اليوم. | Maanta bay na soo booqatay macallimadda. |
| Berri/ berrito | |
| سأسافر غداً. | Berri ayaan dhoofi doonaa. |
| Darraad /dorraad | |
| زرتُ مدرّسي أول أمس. | Darraad ayaan booqday macallinkayga. |
| Dhowaan | |
| سنلتقي قريباً. | Dhowaan baannu kulmi doonnaa. |
| Shalay | |
| رأيت أمس مدرّسي الجديد. | Shalay baan arkay macallainkayga cusub. |
| Saaka/saakay | |
| صالح اتصل بي في هذا الصباح. | Saalax saaka ayuu isoo wacay. |
| Caawa | |
| عندهم حفلة الليلة. | Xaflad bay qabaan caawa. |
| Xalay / xalayto | |
| اشتريت البارحة قميصاً. | Shaati baan soo iibsaday xalay . |
| Sanadkan | |
| أريد أن أنجح في هذه السنة. | Sanadkan inaan baaso ayaan rabaa. |
| Sanadkii hore | |
| حججتُ في العام الماضي. | Sannadkii hore waan xajiyay. |
| Bishan | |
| أريد منك في هذا الشهر ثمن الإيجار. | Bishan lacagta kirada baan kaa rabaa. |
| Bishii hore | |
| سددتُ الدين في الشهر الماضي. | Deynta bishii hore ayaan guday. |
| Toddobaadkan / sitimaankan / usbuucan/ wiiggan | |
| هل عندك إجازة في هذا الأسبوع؟ | Fasax ma leedahay toddobaadkan . |
| Waagii hore/ waa hore/ waqti hore | |
| قديما كان الصوماليُّون في توادٍّ. | Soomaalida waagii hore way is jeclaayeen. |
| Ugu horrayn/ marka hore/ horta | |
| أولا أتحدّث عن العلم. | Ugu horrayn waxaan ka hadlayaa aqoonta. |
| Ugu dambayn / marka ugu dambaysa | |
| أخيراً أرجو لكم النصر. | Ugu dambayn guul baan idin rajaynayaa. |
Su’aalaha:
- Dhis lix weedh oo uu ku jiro falkaab ammin
- Tarjun falkaabyada:
Toddobaadkan, sitimaankan , usbuucan, wiiggan, waagii hore, Ugu dambayn, marka ugu dambaysa, Ugu horrayn, marka hore, horta, caawa, saaka, shalay, xalay, daarraad, berri, maanta, hadda