درس الأسبوع التاسع: ظرف الزمان
ظرف الزمان Falkaab ammin

| Hadda/ haatan/ amminka/haddeer | |
| أريد الشاي الآن. | Hadda baan rabaa shaaha. |
| Haddaayey | |
| ماذا قال آنفاً؟ | Muxuu yiri hadaayey? |
| Haddana / kol kale/ mar kale | |
| اكتب مرة أخرى. | Haddana qor . |
| Hadhow / hadhowto | |
| أعد لي الكتاب في وقت قريب. | Hadhow ii soo celi buugga. |
| Maanta | |
| المدرّسة زارتنا اليوم. | Maanta bay na soo booqatay macallimadda. |
| Berri/ berrito | |
| سأسافر غداً. | Berri ayaan dhoofi doonaa. |
| Darraad /dorraad | |
| زرتُ مدرّسي أول أمس. | Darraad ayaan booqday macallinkayga. |
| Dhowaan | |
| سنلتقي قريباً. | Dhowaan baannu kulmi doonnaa. |
| Shalay | |
| رأيت أمس مدرّسي الجديد. | Shalay baan arkay macallainkayga cusub. |
| Saaka/saakay | |
| صالح اتصل بي في هذا الصباح. | Saalax saaka ayuu isoo wacay. |
| Caawa | |
| عندهم حفلة الليلة. | Xaflad bay qabaan caawa. |
| Xalay / xalayto | |
| اشتريت البارحة قميصاً. | Shaati baan soo iibsaday xalay . |
| Sanadkan | |
| أريد أن أنجح في هذه السنة. | Sanadkan inaan baaso ayaan rabaa. |
| Sanadkii hore | |
| حججتُ في العام الماضي. | Sannadkii hore waan xajiyay. |
| Bishan | |
| أريد منك في هذا الشهر ثمن الإيجار. | Bishan lacagta kirada baan kaa rabaa. |
| Bishii hore | |
| سددتُ الدين في الشهر الماضي. | Deynta bishii hore ayaan guday. |
| Toddobaadkan / sitimaankan / usbuucan/ wiiggan | |
| هل عندك إجازة في هذا الأسبوع؟ | Fasax ma leedahay toddobaadkan . |
| Waagii hore/ waa hore/ waqti hore | |
| قديما كان الصوماليُّون في توادٍّ. | Soomaalida waagii hore way is jeclaayeen. |
| Ugu horrayn/ marka hore/ horta | |
| أولا أتحدّث عن العلم. | Ugu horrayn waxaan ka hadlayaa aqoonta. |
| Ugu dambayn / marka ugu dambaysa | |
| أخيراً أرجو لكم النصر. | Ugu dambayn guul baan idin rajaynayaa. |
| Baasaboor | Safar | Safaarad |
| جواز سفر | سفر | سفارة |
| Dalkugal | Tagsi | Alaab |
| تأشيرة | سيارة أجرة | أمتعة |
| Iqaamo | Farankaboolo | Dhalasho |
| إقامة | طابع | جنسية |
| Tikid | Bokin | Garoon |
| تذكرة | حجز | مطار |
| Kicid | Degid | Imaansho |
| إقلاع | هبوط | وصول |
| Gaarigacan | Dalxiis | Kaarto |
| عربة | سائح | خريطة |
| Hoteel | Musaafurin | Xammaali |
| فندق | ترحيل | شيّال |
| Waxaan u socdaa dalxiis, waxaan ku dhoofi doonaa diyaarad, kaddib waxaan raacaa bas, waxaan ku degi doonaa hoteel ku yaalla magaalada Marka, magaalada Marka waxay leedahay xeeb aad u qurux badan, waxaan jeclahay inaan ku dabaasho badda magaalada Marka . |
| أنا ذاهب للسياحة، وسأسافر على الطائرة، ثم أستقل الباص، سوف أسكن في فندق يقع في مدينة مركا ، ومدينة مركا لها شاطئ جميل جدا، وأحب أن أسبح في بحر مدينة مركا. |
| Samatar: waxaan rabaa inaan booqdo meelaha dalxiiska. | سمتر: أريد أن أزور الأماكن السياحية. |
| Muna: meelaha dalxiiska way badan yihiin, halkeed ula jeedaa? | منى: الأماكن السياحية كثيرة فأين تقصد؟ |
| Samatar: waxaan ula jeedaa Afgooye. | سمتر: أقصد أفجوي. |
| Muna: Afgooye waa meesha ugu muhimsan Soomaaliya. | منى: أفجوي هي أهم منطقة في الصومال. |
| Samatar: cayaarta istunka weli ma ka jirtaa Afgooye? | سمتر: هل لعبة المقارعة ما زالت موجودة في أفجوي؟ |
| Muna: sidii hore ma aha. | منى: ليست كما كانت من قبل. |
| Samatar: waxaan booqan rabaa beeraha mooska. | سمتر :أريد زيارة مزارع الموز. |
| Muna: waa inaad booqataa webiga Shebeelle, waa astaanta magaalada Afgooye . | منى: عليك أن تزور نهر شبيلي، فهو رمز مدينة أفجوي. |
| Samatar: sideen ku aadi karaa Afgooye? | سمتر: كيف أستطيع الذهاب إلى أفجوي؟ |
| Muna: bas ayaad fuuli kartaa. | منى: يمكنُ أن تركب حافلة. |
| Samatar: aad baad u mahadsan tahay. | سمتر: شكراً جزيلاً. |
| Muna: adaa mudan. | منى: عفواً. |
Su’aalaha:
- Dhammaystir wax aka maqan sheekaysiga soo socda:
| Muna: Afgooye waa meesha … muhimsan Soomaaliya. |
| Samatar: cayaarta ….. weli ma ka jirtaa Afgooye? |
| Muna: sidii hore ma aha. |
| Samatar: waxaan booqan rabaa …. mooska. |
| Muna: waa inaad booqataa webiga ….., waa astaanta magaalada Afgooye . |
| Samatar: sideen ku aadi karaa Afgooye? |
| Muna: bas ayaad fuuli …… |
| Samatar: aad baad u mahadsan tahay. |
| Muna: adaa mudan. |
- Shan weedh keen oo uu ku jiro Falkaab
مراجع:
- Naxwaha Af soomaaliga, Shire Jaamac Axmed, 1976. Muqdisho Soomaaliya.
- A Grammar of the Somal Language, J. W. C. KIRK 1905, Cambridge University.
- الكاشف قاموس عربي صومالي. مؤمن عالم 2009 القاهرة